U bood dhigaalka

Diyaarad Sidday Soomaali Ku Xayirnayd Turkiga oo Muqdisho Soo Gaartay

Sheeko:Dalka

Waxaa xalay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaarad sidday muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ku xayirnaa dalka Turkiga ka dib saameyntii ka dhalatay xanuunka COVID-19.

Muwaadiniinta laga soo qaaday dallka Turkiga ee xalay Muqdisho soo gaaray ayaa gaaraya 58 ruux, waxaana soo celinta dadkaan ka shaqeysay safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb Jaamac Caydiid ayaa dowladda madaxweyne Erdogan uga mahadceliyay sida loogu fududeeyay in dadkaasi laga soo daabulo magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul, waxaana dadkaasi kala bar laga soo qaaday magaalada Ankara.

Dhanka kale isla diyaaradaan oo la yiraahdo Turkish Airlines ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ka qaaday 101 muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga kuwaas oo iyaguna halkaan ku xayirnaa.

Tan iyo markii uu baahay saameynta cudurka Coronavirus ayaa waxaa kala xirmay dhamaan isku socodkii caalamka.

Goobjoog News