U bood dhigaalka

Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeyn Ka Geystay Gedo

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaankaasi.

Diyaaradahan ayaa dhowr madfac ku tuuray deegaankan waxaana wararka ay sheegayaan in waxyeello aysoo gaartay dad shacab ah.

Inta la hubo ugu yaraan Saddex qof ayaa dhaawaca kasoo gaartay duqeyntan, iyadoo sidoo kalena ay jirto waxyeello soo gaartay xoolo u badan ari.

Lama oga sababta ka dambeysay duqeyntan, waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in meelaha gantaalada ku dhaceen ay shacab ku sugnaayeen.

Dowladda Kenya weli wax war ah kama aanay soo saarin duqeyntan ay ka fulisay Gedo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News