U bood dhigaalka

Diyaaradaha Maraykanka Oo Duqeyn La Eegtay Sarkaal Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Ku Sugnaa Gobalka Jubada Dhexe

Sheeko:Dalka

DuqeynWakaaladda wararka ee France  press waxa ay  baahisay war ay ka soo xigatay golaha Kongareeska Maraykanka kaa oo sheegaya in duqeyn dhanka hawada ah Isnintii shalay ahayd  lagu ba tilmaameedsaday  Hogamaamiye ka tirsan Xarakada Al-shabaab  meel u dhaw Degmada Saakow  ee Gobalka Jubada Dhexe

Weli lama shacin Magaca Hogaamiyahaan ka tirsan Al-shabaab ee la weeraray iyo sidoo kale qaabka rasmiga ah ee weerarkaan loo fuliyay.

Sidoo kale War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Difaaca dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay Ulajeedka bartilmaameedka weerarku in uu ahaa hogaamiye weyn oo Al-shabaab ah,  lamana bixin faafaahin intaasi ka  badan oo ku saabsan magaca iyo dhalshada hogaamiyahaasi.

Kirby oo ah afhayeenka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka waxa uu dhankiisa sheegay in ay weli wadaan xaqiijinta Natiijooyinka howlgalkaan la fuliyay.

Duqeyntani ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii uu isa soo dhiibay mas’uul horay uga tirsanaa Al-shabaab una qabilsanaa dhanka sirdoonka  kaa oo lagu magacaabo Zakariye Ismaaciil Axmed  iyo nin xoghayntiisa ahaa oo isaga la socday.