U bood dhigaalka

Diyaaradaha Mareykanka oo laga mamnuucay in ay isticmaalaan hawada dalka Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

Ururka” Federal Aviation Administration” ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka Madani iyo Militari intaba laga mamnuucay isticmaalka hawada dalka Soomaaliya,

Ururka Al-shabaab ayey sheegeen in uu awood u leeyahay soo rididda diyaaradaha maraya hawada dalka Soomaaliya, iyagoo intaa raaciyay in ururkan ay heystaan hubka lidka diyaaradaha qeybihiisa kala duwan.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku dooday in hubkan ay oo ridi karaan diyaaradaha meel sare u socda ama kuwa markaasi kacaya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay soo rideen diyaaradda IL-76   March 2007 iyo iyagoo weeraro ku qaaday garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Ma aha markii ugu horeysay ee diyaaradaha laga mamnuuco isticmaalka hawada Soomaaliya, 2014-kii marki ay Ukrain ku dhacday diyaarad laga leeyahay dalka Australia ayaa dalka Mareykanka ilaa 6 dal ka mamnuucay in diyaaradihiisa dul maraan, dalalkaas waxaa ka mid ahaa: Ethiopia, Libya, North Korea, Somalia , Ukraine:

Arintan ayaa timid kadib markii May 5-teedii 2015-ka uu dalka Soomalaiya booqasho ku yimid John Kerry, todobaadkii hore dowladda Mareykanka ay sheegtay in Dhanani ay la laabatey magacaabistii Safiirno loo magacaabay 24-kii February 2015-ka.