U bood dhigaalka

Diyaaradaha Mareykanka Oo Duqeeyay Jubbada Dhexe

Sheeko:Amniga

War ka soo baxay 17-kii bishan taliska Mareykanka ee Africa islamarkaana loo yaqaan AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobalka Jubbada dhexe.

AFRICOM ayaa waxa uu tilmaamay in duqeyntan ay si gaara uga dhacady degmada Jilib ee gobalkaasi, waxa uuna Mareykanku sheegay in isaga oo kaashanaya ciidamada dowladda ay halkaasi ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab.

Qoraalka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay hal xubin oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Al shabaab, waxaana sidoo kale qoraalka lagu xusay in la burburiyay saldhig Shabaab ay halkaasi ku lahaayeen.

Mareykanka ayaa cadeeyay in duqeyntaas aysan waxyeelo ka soo gaarin dad shacab ah, wallow maalmnihii dambe loo jeedinayay eedeyn ah in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaarto duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Sanadkan cusub ee 2020 ayaa dowladda Mareykanka duqeymo isdaba jooga waxa ay la beegsanaysaa goobaha ay ku suganyihiin dhaqdhaqaaqa Al shabaab.

Goobjoog News