U bood dhigaalka

Diyaaradaha Rayidka Oo Maanta Aan Kasoo Dageyn Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in maanta o Arbaco ah, 22-ka February 2017 in aanu jiri doonin duulimaadyadii rayidka ee garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Kabtan C/waaxid Cumar Sheekh Axmed oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in garoonka aanu maanta wax shaqo ah ka jirin.

Waxa uu sheegay in diyaaradaha ganacsiga, iyo kuwa kale ee rakaabka ahba aysan maanta soo degeyn, horeyna loogu war geliyey, maadaama maanta ay magaalada Muqdisho imaanayaa madax ka qeybgalaysa caleema saarka madaxweyne Farmaajo.

Garoonka waxaa kasoo degi kara oo kaliya diyaaradaha sida madaxda iyo wufuuda kala duwan ee kasoo qeybgalaysa caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Goobjoog News