U bood dhigaalka

Diyaaradda Air Djabouti Oo Duulimaadkii Ugu Horreyay ka Bilowday Somalilad

Sheeko:Dalka

Diyaaradda Air Djabouti ee dalka Jabouti ayaa duulimaadyo ka bilawday magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, duulimaad todobaadkii saddex jeer ah, iyagoo sidoo kalena lagu wado in diyaaraddu ka howlgasho magaalada Boosaaso wakhtiga dhawo.

Heshiis ay kala saxiixdeen wasaaradda duulista Somaliland iyo maamulka shirkadda Air Djabouti oo ka qabsoomay magaalada Berbera ayaa lagaga hadlay muhiimadda ay diyaaradani u leedahay dadka shacabka ah oo aad ugu baahi qabay.

Wasiirka duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in Somaliland  ay aad u soo dhaweynayso shaqada shirkaddan oo uu ku tilmaamay iney qeyb ka qaadan doonto baahi tirka dadka u kala socoda Somaliland iyo Jabouti.

“Sharaf weyn iyo qiimo ayay u tahay dadka Berbera oo ay u tahay Somaliland dhamaanteed, ineynu halkan ku daahfurno duulimaadyadii aynu ballan qaadnay Illaahyna uu noo aqbalo, Air Djabouti iney halkan ka bilowdo duulimaadyadeedii annaguna kan tijaabada ah aanu ku soo daahfurno”, ayuu yiri wasiir duulista Farxaan Aadan oo ka hadlayay munaasabad daahfurka diyaaradda oo lagu sameeyay magaalada Berbera.

Tijaabadii ugu horreysay ee ay diyaaraddani gudaha Somaliand ka samayso ayaa ahayd duulimaad ay masuuliyiin iyo dad ka tirsan laamaha socdaalka ay ugu kala goosheen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Dhinaca kale, wakiilka shirkaddan u fadhiya Hargeysa ayaa isna  tayada diyaaraddan  ku tilmaamay mid aad u sarreysa oo la hubiyey isla markaana ka fog wax kasta oo amni ahaan khalkhal keeni kara .

Sidoo kale, maamulka diyaaraddu waxa uu sheegay in ay adeegyadooda  ku soo kordhin doonaan duulimaad ay diyaaraddu ku tagi doonto magaalada Bosaaso kaasi oo isna muhiimad u leh guud ahaan isku socodka Soomaaliya.

Garoomada diyaarahada ee Hargeysa iyo  Berbera  ayaa waxa Isticmaalkooda labadii sanno ee ugu dambeysay  ku soo kordhay  diyaaradaha  Ethiopia Airline iyo Fly Dubia kuwaasi oo si toos ah ugu kala goosha qaaradaha dunida.

Goobjoog News