U bood dhigaalka

Diyaaradda Air Uganda Oo Duullimaad Toos ah ka Billowday Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Shirkadda Diyaaradaha ee Air Uganda ayaa Maanta oo Khamiis ah duulimaad toos ah ka billowday Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Xaflad lagu daahfuray duulimaadka ay Diyaaradda Uganda Airlines ka sameyn doonto Magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala ayaa Saaka lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport.

Daah furka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda XFS Cabdulqaadir Axmed Kheyr, Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare, Cabdullaahi Goodax Barre iyo qaar ka mid ah Safiirrada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya..

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre, ayaa bogaadiyay duullimaadka ay shirkadda Uganda Air ka billowday Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay tallaabadani fursad weyn u tahay Gacansatada Soomaaliyeed, Shacabka, Ciidanka AMISOM iyo bahda waxbarashada ee ay wasaaraddiisu hormuudka ka tahay.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda XFS Cabdulqaadir Axmed Kheyr, ayaa sidoo kale u mahad celiyay Dowladda Yugaandha, madaxda shirkadda Diyaarada Air Uganda iyo Dadkii ka shaqeeyayba, wuxuuna sheegay in ay tani fursad weyn u tahay Shacabka iyo Ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo markii ay ka ambabaxaan Muqdisho si toos ah u tegi doono Dalka Yugaandha.

horay ayay 2013 kii Uganda Airlines duulimaaadka uga billowday Muqdisho, waxaana uu hakad ku yimid safarradii ay Soomaaliya ku iman jirtay Air Uganda arrimo dhaqaale awgood, iyadoo ay haatan joogtayn doonto shirkadda Air Uganda duullimaadyadeeda Muqdisho. 

Goobjoog News