U bood dhigaalka

Diyaaraddii Sidday Madaxweynaha Jabuuti Oo Soo Cago Dhigan Weysay Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay soo cago dhigan weysay diyaaraddii sidday madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wararku waxay tilmaamayaan in diyaaradda ay lasoo cago dhigan weysay cillad darteed, balse ma faah faahsana cilladda waxa ay tahay.

Diyaaradda ayaa la xaqiijiyey in markii ay soo cago dhigan weysay dib ay uga laabatay Garoonka Aadan Cadde.

Ma jirto faah faahin intaan ka dheer oo ddiyaaraddaasi laga helayo, balse magaalada Muqdisho waxaa ku sugan madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow la filayaa inuu ka furmo shirka madaxda dalalka IGAD oo arrimo dhowr .

Warkaan wixii kusoo kordha kala  soco wararkeena kale

Goobjoog News