U bood dhigaalka

Diyaaraddii Ugu Horreysay Oo Ay Leedahay Eritrea Oo Cago Dhigaty Adis Ababa Muddo 20 Sano Ka Dib Ah

Sheeko:Caalamka

Shirkadda Duulimaadka Eritrea ayaa maanta bilowday safarkeedii ugu horreeyay oo ay ku tagto Magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya muddo laga joogo 20 sano oo labada dal uu go’naa xiriiraadkooda diblomaasi.

Diyaarad ganacsi oo  Eritrea ay leedahay ayaa gaartay Maanta garoonka caalamiga ah ee  Bully waxaana saarnaa wasiiro ay ka mid yihiin gaadiidka iyo dalxiiska ee Eritrea iyada oo sidoo kale ay saarnaayeen ganacsato.

Tallabadan ayaa waxaa ay ka mid tahay hirgalinta heshiiskii Asmar kaasi oo ay Abiy Axmed Isaias Afwerki ay ku kala saxiixdeen Asmara .

Heshiiska ayaa dhigayay in la soo afjaro colaadda labada dal isla markaasna lafuro bog cusub oo ay yeelanayaan labada waddan oo ay ka mid yihiin soo celinta xiriiraadkii diblomaasi, dib u bilaabista Safarrada Cirka iyo in si wada jir ah loo Maalgashado Dekadaha.

Bishii July ayay aheyd Markii ay Asmaro caga dhigatay diyaaraddii ugu horreysay oo ka timaada Adis Ababa, waxaana saarnaa Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa ra’iisulwasaarihii ee  Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Goobjoog News