U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Degmada Bu’aale

Sheeko:Amniga

Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka geystay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana warar dheeraad ah laga helayaa duqeyntaasi.

Duqeyntan ayaa dhacday saqdii dhexe ee xalay, waxaana la sheegay in bartilmaameedka diyaaradahan uu ahaa saldhig Al-shabaab ku lahaayeen degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Bu’aale oo la hadlay Goobjoog News islamarkaasna codsaday in codkooda iyo Magacyadooda aan laga baahin qalabka Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ilaa saddex gantaal ay diyaaradahaan ku soo tuureen degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada/dhexe.

Mid ka mid ah gantaalladaas ayaa waxaa uu ku dhacay duleedka degmada Bu’aale lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay, halka midka saddexaadna la sheegay in uu ku dhacay banaanka hore Saldhig ay dagaalyahannada Alshabaab ku la haayeen halkaasi.

Diyaarado badan ayaa sidaan oo kale waxaa ay howlgallo uga fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubbada dhexe waxaana gobolkaasi gacanta ku haya dagaalyahannada Alshabaab.

Goobjoog News