U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka Bari, Puntland

Sheeko:Amniga

Diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn waxa ay ka fuliyeen deegaanka Miraalle oo 28-km dhanka Bari kaga began magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wararku waxay sheegayaan in halka duqeynta ay ka dhacday ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab iyo Daacish, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Diyaaradahan waxaa sidoo kale dhanka dhulka ah ka caawinayey ciidamada maamulka Puntland, waxaana la sheegay in qorshaha howlgalkan uu ahaa mid si wadajir ah u dhacayey.

Saraakiil u hadashay Puntland ayaa sheegtay in duqeyntan ay ku dileen 8 ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena ay waxyeello soo gaarsiiyeen kuwo kale.

Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay in diyaaradaha duqeynta fuliyey ay ahaayeen kuwa Maraykanka, waxaana halka duqeyntan ka dhacday ay tahay dhul buuraley ah.

Ma jirto faah faahin kale oo duqeyntan laga bixiyey hase ahaatee diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeyn ay dhowaan ka fuliyeen gobolka Shabellaha Hoose waxay ku dileen 62 ka mid ah Al-shabaab.

Goobjoog News