U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal oo illa iyo haatan aan la sheegin ayaa duqeyn ka geystay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare kala duwan.

Korneel Cabaas Ibraahim Gurey, taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa si kooban ugu sheegay warbaahinta in duqeyntaasi ay jirto islamarkaana ay ka dhacday duleedka deegaaankaasi, lalana eegtay kolonyo Al-shabaab ay la socdeen.

Taliyaha ma aanu sheegin khasaaraha rasmiga ah ee Al-shabaab kasoo gaarey duqeyntay iyo sidoo kale diyaaradaha weerarka fuliyey dalka lahaa.

Dhanka kale Al-shabaab dhankooda weli kama aanu hadal khasaaraha kasoo gaarey duqeynta ay diyaaradahan dagaal la bartilmaameedsadeen askartooda.

Marar badan sidan oo kale diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalalka Kenya iyo Maraykanka ayaa duqeyn waxay ka geysteen deegaanno ka tirsan Jubbaland.

Goobjoog News