U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo loo maleeyay in laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn saacado socotay ka geysteen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo iyo deegaanno halkaasi ku dhow.

Inkastoo khasaaraha rasmiga ah ee duqeyntan ka dhalatay aan la ogeyn ayaa hadane wararku waxay sheegayaan in diyaaradahan ay bartilmaameed ka dhigateen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale deegaannada duqeyntan ka dhacday waxaa laga maqlay rasaas culus oo u muuqatay iska haorimaad balse weli waxa ay tahay lama shaacin.

Meelaha ay diyaaradahan bartilmaameedsadeen waxaa ku dhaw guryo dad shacab ah ay deggan yihiin.

Sidan oo kale ayeey diyaarado dagaal duqeyn uga geystaan deegaanno ka tirsan Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News