U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay ay diyaaradahan duqeyntan ka fuliyeen deegaanno u dhaxeeya degmada Wanlaweyne iyo sidoo kale deegaanka Tooratoorow ee Shabellaha Hoose.

Maxamed Xasan Xaaji oo ah guddoomiyaha degmada Qoryooley ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in duqeynta ay geysteen diyaaradahan weli aan la ogaan cidda iska leh.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan iyo sidoo kale meelaha sida rasmi ah loo bartilmaameesaday, hase ahaatee waxaa deegaannada u dhaxeeya Wanlaweyne iyo Qoryooley ku sugan Xarakada Al-shabaab.

Wararka sidoo  kale halkaasi laga helayo waxay sheegayaan in ay jiraan diyaarado ciidamo siday oo halkaasi ka degay, lamana hayo faah faahinta howlgallada.

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose oo aynu xiriir la sameynay waxay sheegeen mas’uuliyiinta maamulkaasi in saacadaha soo aadan ay saxaafadda siin doonaan faah faahinta weerarkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News