U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal oo la sheegay iney leedahay dowladda Maraykanka ayaa duqeyn ka geystay deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in duqeyntaasi ay ahayd mid xooggan, lalana eegtay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in khasaare uu soo gaaray dagaalyahannada Al-shabaab balse ma aanu sheegin tirada khasaaraha ka dhashay duqeyntan.

Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal duqeyntan ka dhacday deegaanka Kuunya-barrow ee Shabellaha Hoose.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa marar badan weeraro sidan oo kale ah ka fuliyey gobollada dalka qaarkood, kuwaasi oo lala bartilmaameedsaday Al-shabaab.

Goobjoog News