U bood dhigaalka

Diyaarado Duqeeyey Saldhig Al-shabaab Ku Leeyihiin Duleedka Afgooye

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xalay saq dhexe ay duqeyn ka geysteen deegaanka Yimbis ee duleedka Afgooye, halkaasi oo la sheegay in saldhig ay ku lahaayeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Goob joogayaal ku dhow halka duqeynta ka dhacday ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in abaare 1-dii habeennimo illaa 2-dii ay socotey duqeyntan, islamarkaana diyaaradahan ay gantaallo dhowr ah ku dhufteen halkaasi.

Lama oga khasaaraha soo gaarey Al-shabaab, waxaana sidoo kale jirtay rasaas laga maqlay deegaanka oo aan la ogaan weli waxa ay tahay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqeyntan, sidoo kalena Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin khasaaraha soo gaarey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News