U bood dhigaalka

Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Jubbada Dhexe

Sheeko:Amniga

Diyaarado dagaal oo aan weli la sheegin dalka laga leeyahay ayaa xalay waxa ay duqeyn xooggan ka fuliyeen deegaan ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahan ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, waxaana la sheegayaa in ay jirto waxyeello soo gaartay xubno ka mid ah Al-shabaab.

Duqeynta sidan oo kale ah ayaa inta badan waxaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ka fuliya diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Kenya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News