U bood dhigaalka

Diyaarado Duqeyn La Eegtay Xubno Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay duqeyn ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo sidoo kale Shabellaha Hoose.

Waxa ay diyaaradahan beegsadeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen degmooyinka Jilib iyo Jamaame, waxaana jira khasaare.

Saraakiil ka tirsan DFS ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntan ay ku dhinteen xubno ka mid ah Al-shabaab, balse tiro ahaan lama sheegin.

Diyaaradahan ayaa sidoo kale waxay bartilmaameedsadeen kolonyo ay la socdeen Al-shabaab oo xalay marayey deegaanka Xaramka, waxaana ku dhintay Shan dagaallame oo uu ku jiro sarkaal weli magaciisa aan warbaahinta loo xaqiijin.

Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa inta badan waxay howlgallo ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka iyo Labada Shabelle, mana jirto faah faahin kale oo dhinayacdan laga hayo, kuna aaddan duqeyntan.

Goobjoog News