U bood dhigaalka

Diyaarado Sida Taageerayaasha Ciyaartoyda Jubbaland Oo Kasoo Degay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Saddex diyaarad oo waday mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, ciyaartoy hore iyo taageerayaal aad u badan.

Maamulka Jubbaland ayaa diyaaradahan usoo kireeyay taageerayaashan oo dhammaantood laga keenay magaalada Kismaayo si ay u barbar istaagaan kooxda kubadda cagta Jubbaland oo maanta ciyaar Final ah la ciyaari doonta kooxda Puntland.

Taageerayaasha Jubbaland qaarkood oo aynu la hadalnay waxay inoo sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay yimaadaan Muqdisho, taasina ay muujinayso sida reer Jubbaland ay bahda ciyaaraha uga mid yihiin waa sida ay hadalka u dhigeen.

Garoonka kubadda Cagta ee Banaadir waxaa laga dareemayaa mashquul aad iyo aad u badan, waxaana garoonka ku qulqulaya taageerayaal badan oo Labada koox ah.

Markii ugu horreysay dhowr iyo Labaatan sano kadib maamulka Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee taageero keena ama geeya magaallo kale oo dalka ah islamarkaana ciyaar sidan oo kale ah ka dhaceyso.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan xubnaha daawan doona ciyaartan xiisaha badan ee Jubbaland iyo Puntland.

Ammaanka guud ee garoonka Banaadir ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada amniga sugaya ay ku sugan yihiin dhammaan waddooyinka kale garoonkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News