U bood dhigaalka

Djabuti Oo Dhul Maalgeshi Ku Wareejineysa Dowladda Turkiga

Sheeko:Dalka

Dalka Djabuti waxay siineysaa Dowladda Turkiga dhul uu balaciisu yahy 5 Malyan oo Mitre si ay u maalgashadaan taasi oo wax badan ka badali doonta ganacsiga dalkaas.

Sanadhii la soo dhaafay waxaa saro u kacay xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Turkiga iyo Djabuuti waxayna Djabuuti ay kala soo  degtay Turkiga shantii sano ee ugu danbeesay badeecado kala duwan kuwaas oo ku dhawaad ku baxday lacag dhan  100 Milyan oo dollarka Mareykank ah .

Safiirka Djabuuti u fadhiyo Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in Djabuuti ay rajeyneyso  in badeecadda ay kala soo degto Turkiga ay gaari doonto mustaqbalka dhow lacag dhan 150 Millyan

Safiir Aadan Xussen oo wareysi gaar ah siinaayey wakaaladda Anadol ee ka soo baxda wadanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay  ujeedka ay Djabuuti ay u siisay dhulka ballciisa uu intaasi la egyahy Turkiga isgoo ku micneeyay in ay fududaado oo si dhaqsi leh ay ku soo gaaraan badeecadha uu soo saaro turkiga geeska Africa.

Safiirka ayaa waxa uu sheegay in tillaabadaan ay qeyb ka tahy heshiis ay wada gaareen laba wadan sanadkii  2012 heshiiskaas oo ku qotomay dhinacyada  maalgashiga.

Safiirka ayaa waxa uu ku faanay in wadankiisa Djabuuti uu yahy mid yar balse uu ku yaalo meel wanaagsan oo istraatiijig ah waxa uuna sheegay in Djabuuti ay soo jiidaneyso maalgayaasha ajaanibta ah waxa uuna sheegayn wadankiisa uu noqon doono midka ugu wanaagasan xagga ganacsiga geeska afrika.