U bood dhigaalka

Djibouti Oo DP World Kala Noqotay Dekaddii, Kuna Sheegtay Heshiiska Caddaalad Darro

Sheeko:Caalamka

Dawladda Djibouti ayaa khamiistii dhawayd ee 22-ka bisha Febraayo si xoog ah kula wareegtey dekadda Doraleh ee ay gacanta ku haysey shirkadda laga leeyahay Dubai ee DP World. Bayaan laga soo saaray Madaxtooyada dalkaasi ayaa lagu sheegay in dawladda Djibouti ay la wareegtey dekadda “Doraleh Container Terminal” ka dib kolkii ay shirkadda DP World isku maandhaafeen qodobbo dhowr ah.

Bayaanka waxa lagu yiri “Jamhuuriyadda Djibouti waxa ay go’aansatay inay meelmariso ka-bixidda heshiiska ay siisay DP World, kaas oo si degdeg ah u dhaqangelaya.”

Sannadkii 2006 ayay ahayd kolkii dawladda Djibouti ay heshiis la gashay shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay. Heshiiska muddadiisu waxa ay ahayd 30 sanno. DP World-na waxa ay bilawday inay hawlgeliso dekedda sannadkii 2009-kii ka dib markii ay dhammaystirtay dhisitaanka.

Sannadkii 2014 ayaa ay dawladda Djibouti dacwad ka gudbisey shirkadda DP World waxayna uga dacwootey maxkamad ku taal magaalada London oo lagu magcaabo “London Court of International Arbitration”. Djibouti waxa ay shirkadda ku eedaysay inay laaluushtey madaxa Dekadaha ee Djibouti iyo in guud ahaan heshiisku aannu caddaalad ahayn oo uu dhinac ka raran yahay. Maxkamadduse waxay ay caddaysay in qodabadii lagu soo eedeeyey DP World aanay sax ahayn, caddayn rasmi ahna aan aan loo hayn.

Ka dib la wareegiddii dekadda ee dawladda Djibouti, shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World waxa ay soo saartay bayaan ay kaga jawaabayso tallaabadan. Bayaanka waxa lagu sheegay in dawladda Djibouti ay qaadday tallaabo sharci darro ah ka dib markii ay la wareegtey dekadda, DP World-na ka cayrisay.

Waddanka Imaaraadka iyo shirkaddiisa DP World ayaa beryahan danbe xoojinayey galaangalkooda iyo awooddooda Geeska Africa. Sannadkii 2016 ayaa ay isla shirkaddani heshiis la saxeexatay Somaliland, iyada oo lagu wareejiyey dekedda Berbera muddo 30 sanno ah. La wareegidda Imaaraadka ee dekedda Berbera dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ka soo horjeestay iyaga oo sheegay in uu yahay mid caddaalad darro ah. Waxa sidoo kale heshiiskan qayb ka ah dawladda Itoobiya oo 19% oo saami ah ku leh dekedda. Sidoo kale, isla Somaliland ayaa Imaaraadka heshiis la saxeexatay iyada oo u oggolaatay in Imaaraadku saldhig milateri ka samaysto magaalada Berbera oo ku taal goob istaraatiji ah.

Sidaasi si la mid ah, maamulka Puntland ayaa sannadkii la soo dhaafay ee 2017 heshiis la saxeexday isla shirkadda DP World. Dekedda Boosaasoo ayaana lagu wareejiyey shirkadda Imaaraadka laga leeyahay.

Waxa jira dad badan oo shaki ka muujiya danaha dhabta ah ee dawladda Imaaraadka iyo shirkaddeeda DP World, waxana shirkaddan lagu eedeeyaa inay curyaamiso dekadaha ay gacanta ku dhigto si ay uga ilaaliso inay mustaqbalka la tartamaan dekedaheeda. Qoraal ku saabsan dekado badan oo ay maamulkooda ku fashilantay shirkadda DP World ayaa ay Goobjoog News hore u qortay, waxaa ku jiray sida shirkadda mar walba u fashilanto

Ugu danbayntii, waxa muuqata in waddanka Imaaraadku uu dano badan ka leeyahay Geeska Africa. Danahaas waxa sal u ah kuwo dhaqaale, dawladda Imaaraadkuna waxa ay doonaysaa inay gacanta ku dhigto dekadaha istaraatijiga ah ee Geeska ku yaalla. Waxa beryahan danbe jirey tuhumo sheegaya in Imaaraadku doonayaan inay la wareegaan dekadda Kismaayo iyo weliba dekedda Baraawe.

Khilaafka Djibouti iyo shirkadda DP World soo kala dhexgalay waxa uu Soomaalida u dirayaa farriin ah inay ka digtoonaadaan la tacaamulka shirkadda DP World maaddaama oo lagu eedayno inay ku fashilantay maamulka dekado badan oo ay ku jirto tan Djibouti iyo dekedda Cadan ee dalka Yemen.

Goobjoog News