U bood dhigaalka

Djibouti Oo Laga Hirgeliyay Zone Ganacsi Oo Xor Ah

Sheeko:Dalka

Waxaa ka furmay magaalada Djibouti Madasha dhaqaalaha Afrika iyo shiinaha waxaana ka qeyb-galaya Madax ka tirsan qaaradda Afrika.

Madaxda ka qeyb-galaya madasha Dhaqaalaha Afrika iyo Shiinaha waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir Madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame, ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  ergeyga Midowga Afrika  Moussa Faki Mahamat iyo mas’uuliyiin kale.

Madasha Dhaqaalaha Afrika iyo Shiinaha ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii Afrika ay u heli laheyd goob ganacsi oo weyn xorna ah xukuumadda Shiinahana ay taageereyso, Madashan ayaa waxay socon doontaa saddex maalin waxaana la filayaa in la soo gabo-gabeeyo Sabtida.

Mashruucaan ayaa waxaa la filayaa inuu ku kaco qiimo dhan 3.5 Bilyan oo u dhiganta 3 Bilyan euro, goobta la maalgalinayo yaa waxay gaareysaa 4,800 hectares waxayna noqon doontaa xarunta ugu weyn ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika.

Goobjoog News