U bood dhigaalka

Djibouti: Shirka Waxbarashada Afrika oo Furmaya

Sheeko:Dalka, War

Waxaa lagu wadaa inuu wadanka Jabuuti uu ka furmo shirweynaha  waxbarashada qaarada  Afrika, oo sanadkaan uu marti galinaayo Madaxweyne Cismaaciil Cumar Geele.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya wada badan oo  Afrikaan  ah waxaana lafilayaa, inta shirka uu socdo in madaxdu ay isku soo qaadaan sidii loo  tayeyn  lahaa waxbarashada ay helaan ardayda ku nool  Afrika iyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Jahliga.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa sidii loo kobcin lahaa ardayda waxbarata, maadama wadamada afrika lagu tilmaamo in caruurta waxbarato ay tahay mid kooban marka loo eego wadamada ku hormaray waxbarashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay wadamada lagu casuumay shirka waxaana kaga qeyb galaayo Ra’iisalwasaare ku- xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre.

Madaxda Soomaalida ayaana lagu wadaa in shirka ka dib ay la kulmaan qaar ka mid ah madaxda wadamada Afrika ayaga oo kala hadli dooono sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa sare u taadidda waxbarashada iyo ubadda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho sareysa.

Goobjoog News