U bood dhigaalka

Djibouti : Warbixinta Waxay aheyd Mid U Dhacday Qaab Xirfad iyo Dhexdhexaadnimo Ah

Sheeko:Caalamka

Dowladda Djibouti ayaa qoraal ay kasoo saartay warbixinta guddiga xaqiiqo raadiska ah ku sheegtay iney u dhacday si ay ku jirto xirfad iyo dhexdhexaadnimo .

Qoraalka Djibouti waxaa lagu xusay in marka walba ay u taagnaayeen nabad iyo xasilooni kusoo dabaallidda Soomaaliya, arrintan ay u galeen soo jeedinta IGAD iyo caawinta labada dal ee walaalaha ah in la dhameeyo khilaafkooda.

Ugu dambeyntii, qoraalka Djibouti waxaa lagu sheegay in warbixinta loo gudbiyey madaxa IGAD, xogheyntq iyo madaxda dalalka xubnaha ka ah iyaga ayaana go’aan ka gaari doona xal u helidda arrinkan.