U bood dhigaalka

Donald Trump: Ilaalada Clinton Ha Laga Dhigo Hubka

Sheeko:Dalka

Donald Trump oo jimcihii taageerayaashiisa la hadlayey ayaa sheegay in ay haboon tahay in hubka laga dhigo ilaalada Hillary Clinton.

“Waxaan u maleynayaa in ay tahay in hubka laga dhigo ilaalada Hillary Clinton, si degdeg ah hubka looga qaado” isagoo intaa raaciyay bal in uu qiyaasayo waxa ku dhici kara.

Donald Trump waxaa uu sheegay in isaga iyo taageerayaashiisa ay doonayaan in ay taageeraan Booliiska dalka Mareykanka oo dambiyada ay yaraadaan halka Hillary Clinton ay isku qariso daah gadaashiisa.

Trump waxaa lagu eedeeyay in uu dhiirigelinayo dagaal iyo dhibaato dhacda, waxaa kaloo la sheegayaa in Clinton iyo dadka taageersan in ay hubka qaataan uu doonayo in uu isku diro.

Donald Trump ayaa Arbacii waxaa uu qiray in uu Obama ku dhashay dalka Mareykanka, arrintan ayaa timid kadib markii sanado badan uu shaki geliyay dhalasha ninka madow ee aqalka cad ka taliya.

Goobjoog News