U bood dhigaalka

Donald Trump Oo $916 million Khasaaray, Kuna Raaxeystay Lacagtii Cashuuraha

Sheeko:Caalamka

Hadal-heynta ugu badan Mareykanka waa sida Donald Trump aanu u bixin Cashuuraha wixii ka dambeeyay 90-meeyadii, Trump waxaa lagu leeyahay lacag hal Bilyan ka badan, intii uu bixin lahaa lacagtaas waxaa uu u isticmaalay raaxeysi iyo in uu ku iibsado diyaarado gaar ah, Hotello, meelo Golf lagu ciyaaro iyo waxyaalo kale.

Ololaha Clinton ayaa sheegay Sabtidii in ay heleen warbixin ay leedahay New York Times oo sheegeysa in Donald Trump uu sheegtay khasaare gaaraya ilaa $916 million in uu ku jiro 1995 si uu uga badbaado cashuur ka qaadis dhowr sano ah.

Arrinta waxaa ay caadis badan saari doontaa Donald Trump oo u tartamaya xilka madaxweynimada dalka Mareykanka.

Dhinaca taageerayaasha Donald Trump ayaa ballan-qaaday in bishan ay soo saari doonaan arrin ka fajacisa Clinton iyo inta taageerta laakin ma aaney sheegun arrinkaas.

Clinton ayaa la rumeysan yahay in ay guuleystay dooddii dhawaan dhexmartay iyada iyo Donald Trump, arrintaas oo ninka dambe uu bala-qaaday in uu ka jawaabi doono doodaha 2bada ah ee dhiman.

Goobjoog News