U bood dhigaalka

Trump Oo Aqbalay Murashaxnimada Xisbiga Jamhuuriga, Una Dhaartay Clinton

Sheeko:Dalka

Donald John Trump ayaa khamiistii jeediyay khudbad dheer oo socotay 1 saac iyo 15 daqiiqo, Khudbaddan oo lagus heegay mid holac ah, waxaa uu ugu horeyn aqbalay murashax in uu u noqonayo Xisbiga Jamhuuriga oo talada dalkaas ugu dambeysay 8 sano ka hor.

Trump waa kuu H. Clinton ku eedeeyay siyaasad xumo, isagoo dusha ka saran dalashada dowladda Islaamiga ee Daacish, Maamulkii Ikhwaan Muslimiinta Masar, waxaa uu sidoo kale ballan qaaday in uu dhulka ku jiidi doono doorashada November.

Donald Trump waxaa uu sidoo kale af ku weeraray Obama isagoo ku eedeeyay in uu Mareykanka u kala qeybinayo Asal iyo Midab, waxaa uu sidoo kale ku dhaleeceeyay heshiiska uu la galay dalka Iran.

Goobjoog News