U bood dhigaalka

Donald Trump Oo Bilaabay Fulinta Balanqaadyadiisii

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha  dalka Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay wareegto lagu fulinayo  dhisamaha derbiga ku teedsan xuduudka uu Maraykanka uu Koonfurta kula wadaago wadanka Mexico, kaas oo uu horay u balanqaaday inuu dhisayo xilligii uu olalaha doorashada uu ku jiray, Trump ayaa waxa uu xusay in hawsha lagu dhisayo darbiga ay bilaaban doonto bisha soo socta.

Darbiga laga dhisayo xaduudka kala qeybiya Maraykanka iyo Mexico  ayaa waxa uu dhirirsanyahy maasaafo dhan 2000 Mayl waana  mid kamida balan qaadyadii Asaasiga ahaa inta uu ku jiray olalihiisa  doorashada.

Madaxweyne Trump ayaa horay waxa uu u sheegay lacagta ku baxaysa dhisidda darbiga taas oo gaaraysa  ku dhawaad 8 bilyan, waxaana lagu wadaa in Trump uu la kulmo madaxweynaha dalka Mexico  dhammaadka bisha soo socoto .

Madaxweynaha dalka Mexico iyo mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa horay waxa ay u sheegeen in aysan aqbalayn in darbi laga dhiso xuduudda waddankooda si walba oo ay xaaladda ay noqoto .

Sidoo kale Donald Trump waxa uu soo saaray amar lagu masaafurinayo dadka soo galootiga ah  kuwaas oo aan wax sharci ah haysan.

Trump ayaa todobaadkaan waxa uu shaaciyay in ku dhawaad 3-milyan ilaa 5 milyan oo muhaajiriin ah ay u codeeyeen Hillary Clinton  intii lagu guda jiray doorashada balse wax cadayn ah uma keenin.

Goobjoog News