U bood dhigaalka

Donald Trump Oo Bishan Sacuudiga Kula Kulmaya Madaxda Carabta Iyo Islaamka

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu booqdo bartamaha bishan waddanka Sacuudi Carabiya,  halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda Carabta iyo hogaamiyaasha dalalka Islaamka ah.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa waxa uu kulamo labo geesood ah la yeelan doonaa madaxda waddanka Sacuudiga iyo kuwa wadamada Carabta , isagoo ka dib kulamo kale la yeelan doono madaxda hogaamiyaasha wadamada Islaamka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Sacuudi Carabiya  Caadil Al-jabiir ayaa sheegay in booqashada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku imaanayo waddanka boqortooyada Sacuudi Carabiya ay kordhinayso sidii ay iskaga kaashan lahaayeen Mareykanka iyo dowladaha Islaamka ka hortagga xagjirnimada.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in booqashada Trump ay fariin cad u tahay dunida taasi oo muujinayso in Mareykanka iyo dowladaha Islaamka ay wax wadaagi karaan.

Booqashada uu ku imaanayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waddanka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii dowladaha Islaamka iyo Mareykanka ay isaga kaashan la haayeen ka hortagga argagixisada iyo xagjirnimada,  iyadoo sidoo kale looga hadli doono xiriirka uu Mareykanka la leeyahay dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka.

Goobjoog News