U bood dhigaalka

Donald Trump Oo Difaacay Askari Qof Madow Ah Dilay

Sheeko:Dalka

Murashaxa Jamhuuriga Donald Trump ayaa difaacay dil ay askarta Mareykanka  u geysteen wiil madow ah sabtidii la soo dhaafay.

Wiilka la dilay oo 23 jir ahaa, waxaa lagu magacaanaa sylville smith, arrinta dilka ah waxaa aad uga carooday dadka ku dhaqan magaalada Milwaukee.

Booliiska waxaa ay sheegeen in ninka la dilay uu heystay qori, Booliiskana uu ka cararay, isla markaana uu ka madax adeegay in uu dhigo qoriga markii sidaa lagu amray.

Donald Trump oo sii hadlayey waxaa kaloo uu sheegay in loo baahan yahay in la soo afjaro rabshadaha ka dhanka ah booliiska.

Magaalada wiilka lagu dilay ayaa lagu wadaa in uu tago Donald Trump, dad wax qora waxaa ay filayaa in eheladda deegaanka ay ku dibad bixi doonaan.

Goobjoog News