U bood dhigaalka

Donald Trump Oo Ka Tacsiyeeyay Komandos Looga Dilay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Mid ka tirsan askarta commandosta Mareykanka ayaa lagu dilay halka 4 kalana lagu dhaawacay weerar lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Weerarka waxaa uu ka dhacay dowlad goboleedka Jubbaland, hoobiyeyaal ayaa lagu garaacay ciidamada xilli ay wadeen  howlgal.

Madaxweynaha Mareykanka  Donald Trump ayaa tacsi u diray askartaas, isaga oo bartiisa Twitter soo dhigay dhambaal uu ku leeyahay

“ Waxaan la murugooday, oo aan tacsi iyo ducaba u dirayaa qoysaska uu ka geeriyooday askariga la dilay iyo saxiibadiisa la dhaawacay..xaqiiqdii Dhammaantood waa geesiyaal”.

Markii ugu dambeysay ee askari Mareykanka looga dilo Soomaaliya waxaa ay aheyd May sanadkii hore kolkaas oo askari looga dilay howlgal ay ka sameeyeen meel 40 Mile galbeedka ka xigta  caasimadda Muqdishu.

Goobjoog News