U bood dhigaalka

Donald Trump oo Ku Guuleystay Doorashadii Mareykanka

Sheeko:Caalamka

Musharaxii madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay codadkii loo baahnaa si uu u noqdo madaxweynaha xiga ee dalka Mareykanka, isagoo sidaa ku noqonaya madaxweynaha 45aad ee dalkaasi.

Doorashadan Trump uu ku soo baxay ayaa noqoneysa mid ka duwan dhamaan saadaalintii ay inta badan sameynayeen warbaahinta dunida. Trump waxa uu helay in ka badan 270 cododkii guud oo gaarayay 538 cod, hanaanka guud ee doorashada Mareykanka.

Trump, waxa uu ku guuleystay gobollada Michigan, Arizona, Georgia, Wisconsin, Iowa, Florida, North Carolina, iyo Utah, Idaho, Ohio, Kentucky, Indiana, West Virginia, South Carolina, Mississippi, Tennessee, Alabama, Wyoming, Texas, South Dakota, North Dakota, Nebraska, Arkansas, Montana.

Halka ay Clinton ku guulaystay iyaduna gobollada Virginia, Massachusetts, Maryland, New Jersey, Delaware, Delaware, Rhode Island, Illinois, New York, Connecticut, California.

Goobjoog News