U bood dhigaalka

Donald Trump Oo Mar Kale Weerar Afka Ah Ku Qaaday Soomaalida Qaxootiga Ku Ah Maraykanka

Sheeko:Dalka

Musharaxa madaxtinimda xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Soomaalida deggan dalkaasi iyo sidoo  kale dadka kale ee qaabka qaxootiga ku jooga dalka Maraykanka.

Waxa uu sheegay in Soomaalida iyo dadka kale ee soo galootiga ahba dhammaantood ay yihiin kuwo qatar ku ah amniga iyo jiritaanka Maraykanka.

Trump ayaa tilmaamay in Maraykanka ay soo weerareen Muslimiin soo galooti ah isaga oo sheegay in haddii uu guuleysto uu arrintaasi dagaal dhab ah ka geli doono waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka Donald Trump ayaa waxaa ka mid ahaa “Arag kuwada Soomaaalida ee ku sugan Minnesota waxa ay si toos ah ugu biireen ISIS”

Ugu dambeyn Trump ayaa sheegay in haddii uu noqdo madaxweynaha dalka Maraykanka la xoojin doono adkeynta laamaha socdaalka, sidoo kalena la mamnuuci doono in qof muslim ah galo dalka Maraykanka.

Goobjoog News