U bood dhigaalka

Donald Trump Oo Si Kulu u Weeraray Soomaalida Ku Nool Maraykanka

Sheeko:Dalka

Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga dalka Maraykanka Donal Trump ayaa mar kale waxa uu si kulul u weeraray Soomaalida ku nool dalkaasi, oo uu sheegay iney yihiin Musiibo loo soo direy Maraykanka.

Trump ayaa sheegay in Soomaalida Qaxootiga ku ah dalka Maraykanka ay yihiin kuwo aan lahayn aqoon, xirfad iyo sidoo kale kuwo u nugul la shaqeynta Daacish.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay yihiin musiibo Maraykanka gacantiisa ku sameystay, taasi oo uu kala jeeday magangalyo siinta qaxootiga.

“Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Minnesota waa musiibo soo gaartay Maraykanka, ma shaqeystaan, wax ma bartaan, kaliya halkaan bay iska joogaan, waxay la shaqeeyaan Daacish, marka waa dhibaato aad u weyn” ayuu yiri Donald Trump.

Sidoo kale Donald Trump ayaa sheegay in haddii uu isaga noqdo madaxweynaha Maraykanka in go’aan adag laga qaadan doono Soomaalida dalkaasi gasha, islamarkaana aysan dhici doonin Soomaali iska timaada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News