U bood dhigaalka

Dood: Golaha Shacabka Oo Ansixiyey wax ka bedelka Xeerka Bangiga Dhexe

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa dood dheer kadib waxaa ay aqlabiyad ku ansixiyeen wax ka bedelka Xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga. Inta aan la ansixin sharciga, waxaa meesha ka dhacday dood culus, oo ay xildhibaannada ka dhaheen ansixinta.

Xildhibaan Cabdullaahi Godax oo ka mid ha kuwa taageersan ayaa yiri “Xeerkan waxaa laga fidiyay barabogaanto aan ku qiyaasay aniga qaran dumis oo ah in bankiga la doonayo in loo magacaabo qof ajnabi ah waana been”.

Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in sharciga uu baarlamaanka 9aad ansixiyey, madaxweynuhu saxiixay, lagu soo saray dekereeyo in xeer lagu badalayo, ujeedkana ay tahay shuruudaha lagu xulayo maamul banigiga dhexe, arrintaasina ay tahay sharaf dhac.

Xildhibaan Sakariye Xaaji ayaa sheegay in uu rumeysan la’yahay in wasiirrada isku raacaan in dastuurka halkaas ha la isla dhigo ajnabi dartiisa”Warqadaas waa khiyaano qaran, baarlamaanow ogaada, wax badan ayaa u samirnay dowlad jeceyl, maalin walba in lagu xad-gudbo hanta, maamul iyo dastuur oo shacabka sidii la rabo loo maamuusho”.

Xilidhibaan Jangali waxaa uu sheegay in aaney wanaagsaneyn in sharci loo badalo qof ajnabi ah dartiis”Nasiib daro ka wayn ma jirto in nin ajnabi ah loo dhiibo Bangiga Dhexe iyadoo ay joogaan aqoon yahano Soomaaliyeed”.

Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay “bangigeenna waxaa maamulo 4.5, maanta xalkeenna waxaa uu jiraa gaalka ugu madow in loo dhiibo”.

Xildhibannada sharciga ka soo horjeeday waxaa ka mid ahaa Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene isaga oo xukuumadda ku eedeeyey in qeylo wadaan, waxaana su’aalay sababta iyaga oo labadiisa sano ee la soo dhaafay aan qoran shaqaale cusub oo rayid ah ay qof ajnabi ah shaqo u siinayaan.

Illaa 158 Xildhibaan ayaa ansixiyay, halka 17 ay diiday, taasoo ka dhigay in xeerkii ay Xukuumadda u ololeyneysay la ansixiyay.

Goobjoog News