U bood dhigaalka

Dood Looga Hadlayay Ilaalinta Xaquuqda Caruurta Oo Lagu Qabtay Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Wasaarahada Haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda federaalka iyo Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qabtay dood ku saabsan dhowrista xuquuqda Caruurta.

Waxaa dooddan ka qeybgalay bulshada qeybaheeda kala duwan ee degmadaasi oo iskugu jira culimo iyo waalidiin.

Waxyaabaha doodad diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa dhowrista iyo ilaalinta Xaquuqda Caruurta iyada oo sidoo kale looga hadlay sidii Caruurta ay u heli lahaayeen waxbarasho.

Ka qeyb-galayaasha dooddaan ayaa waxaa ay isku raaceen in bulshada dhexdeeda laga sameeyo Wacyi galin la xiriirta ilaalinta Xaquuqda Caruurta iyo in laga hor tago in la Askareeyo.

Hodan Cabdi Shire Wasiirka Wasaaradda Xaquuqul insaanka ee Galmudug ayaa ka hadashay Faa’idada ka soo baxday doodaan.

“Xaquuqda Caruurta waxaa waaye waa barnaamij Caalami ah dowladda Soomaaliyeed ay saxiixday in lagaarsiiyana dowlad goboleeyda ay tahay “.

Barnaamijka ilaalinta Caruurta iyo daryeelkooda waxaa bilaabay hirgalintiisa dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxaana diiradda lagu saaraaa mar walba barnaamijkaan sidii ay caruurta Soomaaliyeed u heli lahaayeen Caafimaad, waxbarasho iyo ka hortagga askareyntooda.

Goobjoog News