U bood dhigaalka

Dood: Xildhibaannada Aqalka Sare Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Oo Ka Hadlaya Wada-shaqeynta Iyo Xeerarka..

Sheeko:Baarlamaanka

Sida ku qoran dastuurka KMG ah,  Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalku wuxuu matalaa dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka, waxaa uu il-gaar ah ku fiirinayaa sharciyada ku saabsan maamul goboleedka uu matalo iyo ilaalinta maslaxadda shacabka deegaankaas, waxaa uu sidoo kale isha ku haynayaa Lacagaha iyo Mashaariicda loogu talogalay dhismaha maamul goboleedka ay matalaan. 

In kasta oo aqalka sare iyo baarlamaannada maamul goboleedyada aanu weli dhex-marin wada-shaqeyn toos ah sababo la xiriira aqalka hore oo kalfadhigii 1aad ku mashquulsanaa dhismaha golaha iyo safar lagu waday kalfadhigan 2aad  in guddoonka iyo Senatorrada ku tagaan mamaul goboleedyada oo dib-u-dhacay kadib markii khilaafadka siyaasadeed soo kala dhex-galay dowladda federaalka ah iyo maamullada ayey hadana laga mar-maarmaan tahay wada-shaqeynta labada dhinac.

Goobjoog News, waxaa ay wada-shaqeynta dhex-mari karta labada dhinac kala hadashay Xildhibaanno ka tirsan maamul goboleedyada iyo Senatarrada aqalka sare.

Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl:

Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl oo ka tirsan Xildhibaannada maamul goboleedka Puntland ayaa Goobjoog News uga warramay wada-shaqeynta ay tahay in ay dhex-marto aqalka sare iyo baarlamaannada maamul goboleedyada isaga oo sheegaya in xilligan aanu xumeyn xiriirka labada dhinac, Xildhibaankan waxaa uu dalbaday in aqalka sare laga rabo sidii ay ula soo socod-siin lahaayeen oo loogala tashan lahaa baarlamaankooda sharciyada ay ansixinayaan gaar ahaan kuwa taabanaya danaha maamul goboleedyada.

Xildhibaan Jaceyl waxaa uu qabaa in sharciyada la hor-keeno golaha aqalka sare ama golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad aan lagu dhaqin oo keliya shaqaalaha dowladda ee loogu talo-galay umadda Soomaaliyeed, isla markaana xaq u leeyihiin in laga talo-geliyo gaar ahaan sharciyada ku saabsan xaaladaha guud, dastuurka, kheyraadka iyo amniga, waxaa kale uu aqalka sare ku ammaanay sida ay uga hadleen khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

Xildhibaan Cabdirisaq Maxamed Yusuf

Xildhibaan Cabdirisaq Maxamed Yusuf oo ka tirsan Xildhibaannada maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Goobjoog News u sheegay in weli aaney arag rag aqalka sare ka socda oo baarlamaankooda u tagay isaga oo soo jeediyay in ay tahay in xiriirka uu sidan ka fiicnaado, isla markaana ay si toos ah u wada-shaqeeyaan labada dhinac.

Xildhibaan Cabdirisaq waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in marka sharci laga hadlo gaar ahaan kuwa khuseeya maamul goboleedyada ay xukuumadda federaalka ah mar walbo u wacdo wasiirrada maamul goboleedka ee arrintaasi ku shaqada leh iyada oo laga tago ama aan waxbo loo sheegin baarlamaanka maamulkaasi, arrintaasi oo khatarteeda leh, waxaa uu ugu dambeyntii soo jeediyay in aqalka sare ay xiriir dhaw la yeeshaan baarlamaankii iyaga soo doortay si looga wada-shaqeeyo danaga guud ee umadda.

Xildhibaan Axmed Yusuf Xasan

Xildhibaan Axmed Yusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug waxaa uu Goobjoog News u sheegay in xiriirka iyo shaqada ka dhaxeysa aqalka sare iyo baarlamaannada maamul goboleedyada ay dastuurka ku taallo, isla markaana ay aheyd in ay kalfadhiyada yimaadaan, shuruucyada sida kuu isgaarsiintana ay aheyd in lagala tashto.

Dhinaca kale, Waxaa Goobjoog News arrinta wada-shaqeynta aqalka sare iyo baarlamaannada maamul goboleedyada kala hadlay Senator Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan Jurille iyo Senator Maxamud Axmed Maxamud(Mashruuc).

Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan Jurille:

Senator Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan Jurille oo wada-shaqeynta Aqalka sare iyo baarlamaannada maamul goboleedyada ka hadlayey waxaa uu sheegay  in aqalka sare uu matalo dowlad goboleedyada, isaga oo intaasi raaciyay in ay ka wada-shaqeyn-doonaan labada dhinac sharci-dejinta, arrimaha siyaasadda, qeybsiga kheyraadka.

Senator Jurille waxaa uu ka hadlay sidoo kale in baarlamaannada maamul goboleedka ay codsan karaan sharciyada kadib marka ay xeer arrinkaasi ka sameeyaan gaar ahaan xeerarka ku saabsan kheyraadka, adeegyada, maaliyadda, difaaca iyo amniga.

Senator Maxamud Axmed Maxamud(Mashruuc):

Senator Maxamud Axmed Maxamud(Mashruuc) waxaa uu qabaa in aqalka sare uu u taagan yahay siyaasadda federaalka ah isla markaana uu matalo maamul goboleedyada isaga oo intaasi ku daray in hadda golaha uu xoogga saari-doono dardar-gelinta nidaamka federaalka ah, wada shaqeynta aqallada federaalka ah iyo maamul goboleedyada  iyo xal-u-helidda khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan.

Mar uu ka hadlayey ka qeyb-galka Xildhibaanno ka socda labada aqal ee baarlamaanka 10aad furitaanka kalfadhiga 40aad ee golaha wakiillada Puntland, Senator Mashruuc waxaa uu ku sheegay in ay arrintaasi qeyb ka ahayd baahinta federalismka isaga oo rajeeyay in baarlamaannada kale ku deydaan.

Xildhibaannada maamul goboleedyada ayaa doortay Xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka 10aad muddo sanad laga joogo: Galmudug: October 15, 2016, Jubbaland: October 19, 2016, Koonfur Galbeed: October 19, 2016, Puntland: October 20, 2016, Hirshabeelle: November 9, 2016 iyo Somaliland: January 22, 2017.

Goobjoog News