U bood dhigaalka

Dood: Xildhibaanno, Aqoon-yahan Iyo Shacab Ku Talinaya In La Dhiso Xukuumad Tiro Yar Oo Aan Xildhibaanno ku Jirin.

Sheeko:Dalka

Soomaaliya 16-kii sano ee la soo dhaafay waxaa soo maray 9 ra’isul wasaare, Cali Khalif, waxaa uu dhisay xukuumad ka kooban 29 wasaarad, Xasan Abshir 31 wasaarad, Maxamed Cabdi Yusuf 14 Wasaarad, Cali Maxamed Geedi labo mar ayuu xukuumado dhisay midda hore 45 wasaaradood,  xukuumaddii dambana 31 wasaaradood, Nuur Cadde 15 wasaarad, Cumar Cabdirashid 36 wasaarad, Maxamed Cabdulahi Farmaajo 19 wasaarad, Cabdiweli Gaas 18 wasaarad, Cabdi Shirood 10 wasaarad, Cabdiweli Axmed 25 wasaarad iyo Cumar Cabdirashid oo xukuumadda hadda waqtigeeda dhammaaday uu ahaa 26 wasaarad.

Waxaa intaa dheer, wasiir-ku-xigeenno iyo wasiiru dowleyaal…..oo waa tiro badan. Tusaale ahaan xukuumadda hadda sii baxeysa ee Cumar Cabdirashid Sharma’arke waxaa uu ku dhawaaqay 26 wasiir, 26 wasiir-ku-xigeen iyo 14 wasiiru dowle, inta badan wasiirradaas waxbo ma qaban. Qaarkood wasiirrada iyagoo xukuumadda ku jiray ay Xildhibaanno ahaayeen.

Haddda waxaa soo baxaya dood ku saabsan wasiirrada cusub oo la magacaabayo in laga reebo Xildhibaannada oo aan lagu soo darin ama Xildhibaanka xukuumadda looga baahdo in uu banneeyo xilkiisa baarlamaanka federaalka ah.

Si, arrimmahaas tirada wasiirada iyo halka ay ka imaanayaan looga doodo, Goobjoog News waxaa ay la hadashay qaar ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah iyo aqoon-yahanno Soomaaliyeed, waxaa kaloo aan fursad siinnay dhageystayaasha si loo ogaado waxa ay doodanayaan.

Marka hore, Yaasin Cabdi Jaamac oo ah xogeyaha guud ee guddiga doorashada heer federal, waxaa uu soo jeediyay in xukuumadda soo socota laga keeno meel ka baxsan baarlamaanka federaalka ah si looga fogaado is-qab-qabsiga iyo daneysi.

Mr. Yaasiin waxaa Farmaajo xusuusinayaa in dalka aaney ka jirin shaqo, sidaasi darteed loo baahan yahay in shaqo abuur cusub loo sameeyo dadka hadda aan Xildhibaannada aheyn, oo shaqo iyo fursad la siiso dad cusub.

Senator Xuseen Sheekh Maxamud, waxaa uu qabaa in golaha wasiirrada laga keeno dibadda baarlamaanka federaalka, isagoo soo qaatay in Xildhibaannada wasiirka noqonaya aan lala xisaabtami Karin haddii ay xukuumadda galaan.

Afyare Cabdi Cilmi oo ah aqoon-yahan ku sugan dalka Qatar oo Goobjoog News la hadlay, waxaa soo jeediyay in tirada wasiirrada aad loo yareeyo, isagoo ku taliyay in Xildhibaan aan lagu soo darin xukuumadda cusub, haddii ay dhacadana uu xildhibaanka ka tanaasulo jagadiisa Xildhibaannimada baarlamaanka Soomaaliya, waxaa uu la yaabay halka laga keenayo hantida la siinayo wasiirada tirada badan ee ra’isul wasaare kasta uu magacaabo.

Xildhibaan Cilmi Maxamud Nuur oo ka tirsan golaha shacabka waxaa uu sheegayaa in tirada xukuumadda ay ku xiran tahay baahida iyo dhaqaalaha dowladda, 15 wasiir ayuu ku qiyaasay inta loo baahan yahay.

Dhageystayaasha Goobjoog News oo doodda uga qeyb-galay Telefanka iyo fariimmaha waxaa ay inta badan ku taliyeen in la yareeyo tirada wasiirada iyo in xildhibaan aan lagu soo darin xukuumadda cusub ee la dhisayo.

Halkan ka dhageyso, Dooddaas Xiisaha Badan Oo Dhameystiran: