U bood dhigaalka

Doodda Culima’udiinka Iyo Siyaasiyiinta Ee Siyaasadda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maalmahan waxaa ay dood adag u dhaxeysaa culimaa’udiinka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, arrintan waxaa ay soo ifbaxday dhowr jeer markii uu Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ka hadlay mooshin ay mucaaradka wadaan iyo in la taageero dowladda federaalka ah, taasi oo keentay in culimada lagu tuhmo in ay yihiin culimo lagu adeegto, oo isku qasaayo siyaasadda iyo diinta.

Hadaba, Goobjoog News ayaa Sheekh Nuur Baaruud Iyo Sheekh Cali Wajiis kala hadashay eedeynta mucaaradka, waxaan sidoo kale arrintan wax ka weydiinay Xildhibaan Mahad Salaad.

Goobjoog News ayaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan weydiisay in uu isku badalay culimada Salaadiinta oo ay  madaxda ay ku adeegtaan?

Sheekh Nuur“Culimadii salaadiinta Ma noqon, culmimadaas waa kuwoo lagu yaqaano in qofka madaxda ah u adeegaan , kabaha u qaadaan,  daba dhilif u noqdaan, xaqa baadil u rogaan, kuwaasi ma noqoneyno, dadnimada ayaa ii diideyso,  da’ada aan diinteyda ku gato ma joogo, dabeecadeydu ma keeneyso..hadda maanta haddii dowladdan cusub xumaan sameyso, taan ku dhigi doona waad ogaan-doontaa”

Goobjoog News ayaa sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud weydiisay, maxaa Kaa hadalsiinaya?

Sheekh Nuur Baaruud“Annaga waxaan leenahay Xukumadda yaan la radin, in qaranka uu tillaabsan waayo, oo la hor istaago waa munkar, in shisheeye lacag laga soo qaato waa munkar, munkarka Khamri iyo Zino keliya ma aha, raggan fool-xumo ka jooga ayaan leenahay, innaga mooshin hagaajin, toosin iyo baraarujin ah ma diidanin, dowladda oo labo bil ayey mooshin keeneen,  in aaney tillaabo qaadin ayey rabaan, ma anfaceyso, wax na hor istaagi karo ma leh…ceebtiina alle ma astrin ayaan leenahay,  ee dalka ka leexdo, dowladdan waa difaaceynaa, tan dambana waa difaaceynaa”.

Goobjoog News ayaa ugu dambeyntii Sheekh Nuur Weydiisay Adiga Maxay tahay doorkaada siyaasadeed ee dalka?

Sheekh Nuur Baaruud“Horta dadka siyaasad ma fahamsano, waxaa ay u hesytaan siyaasadda nin sigaar iyo khamri cabo, oo shaarib weyn, siyaasadu waxaa ay u yaqaanaan been iyo iska daba wareeg, siyaasadda waa maamul oo anbiyadii ayaan wax maamuli jiray, wadaad siyaasad kama hadli karo, waa been aad iska dhaadhiciseen,  Sheekha siyaasad waa ka hadli karaa, siyaasad waa qaban karaa..siyaasadda beenta iyo qurunka ayaan ka dhex-saareynaa, siyaasad nadiif ah ayaan ka dhigeynaa, aniga siyaasi muslim ayaan ahay, wadanka maslaxdiisa ayaan ka hadlayaa ee iska ooya’.

Sheekh Cali Wajiis ayaa isna weydiinay isla su’aalihii hore ee ahaa: Ma Waxaad Isku badasheen Culimada Salaadiinta?

Sheekh Cali Wajiis:  “Maya, iskuma badalin adeer, waxaan ku hadleyno waa qowlkii ilaahey, dowladnimo iyo midnimada in la xoojiyo ayaan wadnaa, haddii aan culimada suldaanka nahay kursi ayaan raadsan laheen, maal ayaan raadsan laheen, waxaan ka soo horjeednaa mooshin iyo in dowladda la dumiyo”

“Ma aha markii ugu horeysay arrinkan, xilligii Xasan Sheekh waxaa noo yeeray madaxweynaha, waad weydiin kartaa Xasan Sheekh, Faarax Sheekh Cabdiqadir iyo Cabdikarim Guuleed, waxaa ay naga codsadeen in aan mucaaradka kala hadalno oo mooshin joojinno, Sheekh kasta waxaa loo diray kooxdiisa sida Ictisaam, Islaax Iyo Aal-Sheekh”.

Seekh Cali Wajiis waxaa uu Xildhibaannada ku eedeeyay in aaney qaban shaqadii loo doortay “Xildhibaannada Mucaaradka ah, waxaa laga rabay in dastuurka dhameystiraan, in ay golaha dhex-diisa Xisbiyo ku fadhiyaan, dhameysitaan sharciyada xisbiyada, in deegaannadooda Al-shabaab ka xoreeyaan, dib u heshiisiin ka filiyaan…ee waxaa ay ku mashquulsan yihiin mooshin…adeer arrintaas waa fasahaad”

Mar aan su’aal ka weydiinay Maad Diin Faafis Ku Ekaataan, oo Siyaasadda dadkeeda u deysaan?

“Qofka sidaasi dhahaayo, waa mid aan waxba ogeyn, diinta waxaa ay u soo degtay in lagu dhaqmo, dadka wanaagga la faro, xumaantana laga reebo, in aan umadda u sheegno mooshinka in uu mashruuca wadaniyadda dhibaayo maxaa ku jaban, dadka arrimahaas buun-buuninaayo waa calmaaniyiin”.

Dhinaca kale, Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaan wax ka weydiinay sida uu u arko jawaabaha ay bixiyeen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Cali Wajiis

Xildhibaan Mahad Salaad oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yiri “Horta mooshin baarlamaanka isaga ayaa xaq u leh, oo iyaga waxba lagama weydiinaayo, teeda kale mooshinka ay sheegayaan, oo ay culimada wad-wadaan aaway maba aragnee, Sheekha waa run siyaasad waa ka hadli karaa, laakin in la adeegsado ayaa daran, oo siyaasad iyo diin isku daraan”.

Xildhibaan Mahad Salaad oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Hadda culimada waxaa ay ka hadlayaan ma aha ra’yi diini ah ee waa ra’yi siyaasadeed, waxaa fiican in ay bannaanka is keenaan, shaarka diinka ha iska dhaafaan, cid uma diideyso siyaasade”.

Doodda waa Socotaa……….Ee Mar walba la soco Goobjoog News

Goobjoog News