U bood dhigaalka

Doodda Maqaamka Muqdisho Ka Dhex Bilaabatey Golaha Wasiirrada XFS

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo isniintii shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay maqaamka magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa  ka dooday maqaamka caasimadda Soomaaliya ay ku yeelanayso hanaanka federaaliga ah ee dalka, waxaana xulashooyin sedax ah oo shirka lagu soo bandhigay iyana laga yeeshay dood ballaaran.

Doodda maqaamka Muqdisho ayaa la doonayaa in go’aan laga gaaro wixii ka horeeya 2020-ka, laakin lama oga inta ay qaadan doonto.

Goobjoog News