U bood dhigaalka

Dooddii Bulshada Rayidka Ah, Wasiirka Iyo Guddiga Miisaaniyadda Golaha Shacabka Ee Miisaaniyadda 2018-ka

Sheeko:Dalka

Shalay waxaa Muqdisho lagu qabtay dood ku saabsan dhageysiga dadweynaha ee miisaaniyadda 2018-ka, kulanka uu goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle, waxaa sidoo kale xog ururin sameynayey guddiga miisaaniyadda iyo maaliyadda ee golaha shacabka.

Ugu horeyntii wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in miisaaniyadda cusub ee 2018-ka lagu jaan-joogay maxaa dowladda soo gala isaga oo intaa raaciyay in sanadkan 2018-ka uu kor u kac ku yimid dakhliga gudaha iyo arrimo kale, isla markaana ay kor u qaadeen miisaaniyadda sanadka soo socda.

Wasiirka waxaa uu qabaa in meel fiican isla gaareen dowlada iyo hey’adaha lacaga iyaga oo laga doonayo arrimo ay ka mid yihiin Cabshuur ma qaadaan, haddii aan la qaadin, maxaa canshuurta loo qaadi-waayey? Lacagta lagu bixiyo mashariicda maku baxdaa meelihii loogu talo-galay? Qofka shaqeeyo mushaar mala siiyaa? Ma jiraan dad aan shaqeyn oo mushaar qaata, dadka aan shaqeynin mala xisaabtamaa? Ma heysaan tirada saxda ee dowladda u shaqeysa shaqaale rayid iyo ciidan.

Inkasta uu wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle baxay markii uu khudbadda dhameeyay inta aan su’aalo la weydiin balse waxaa kulanka sii waday guddiga miisaaniyadda iyo maaliyadda ee golaha shacabka.

Ururada Shaqaalaha:

Illaa 10 qof oo u hadashay ururada shaqaalaha waxaa ay xoogga saareen cabasho ay ka qabaan isbaarada tirada badan oo goobaha yaallo, canshuuraha laga qaado, lacagta lagu soo rogay dadka dhoofaya.

Mid ka mid ah ururka shaqaalaha waxaa uu u dooday xoogsatada dekadda iyo in aanay xuquuq ka helin canshuurta laga qaado dowladda.

Ganacsatada:

Ururada Ganacsatada oo iyagana ka mid ahaa dadkii miisaaniyadda ka hadlay aya sheegay in ay ku dhib qabaan canshuuraha looga qaado dekadda Xamar, iyaga oo sheegay in horay dekadda uga soo degi jireen 7000 oo Konteenar hadana ay ka soo dagaan illaa 3000, taasina ay ugu wacan tahay lacagta la canshuuro oo xad dhaaf ah.

Ganacsatada waxaa ay dowladda iyo gobolka Banaadir ku eedeeyeen in ay ka baxeen ballan lagu galay dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir oo ahaa sidan: Wasaaradda Maaliyadda: 25%, Maamulka Banaadir: 25% iyo ganacsatada gobolka Banaadir oo 50% ah.

Mid ka mid ah ganacsatada aya wasaaradda maaliyadda weydiiyay inta dowladda aaney ka hadlin waajibaad, aaway xuquuqdii dadka, canshuurta umadda laga qaado mala helayaa statementigeeda, mala baari karaa? Boono rasmi ah mala jaraa, daah-fur ma leedahay, sidoo kale ma jiraa isla xisaabtan ku aadan ammaanka iyo sida badeecada aad canshuurta ka qaaday tagi karaan meelihii loogu talagalay.

Goobjoog News