U bood dhigaalka

Doomo Ganacsi Oo Ku Xirtey Dekadda Hobyo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa faahfaahin ka bixiyay doomo sida shixnado ganacsi oo ku xirtey dekadda magaalada Hobyo.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee Galmudug Cabdullaahi Cali Axmed ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay howlaha ka socda dekadda Hobyo.

Wuxuu sheegay in labo doon ay ku soo xiratay degmada Hobyo kuwaasoo sida shixnado ganacsi sida shidaal, raashin, baabuur iyo badeecooyin kale.

“Magaalada Hobyo xaaladdeedu waa fiican tahay, waxaana bulshada magaalada ay shaqo abuur ka heleen doomaha ku xirtay dekadda Hobyo, kuwaasoo wada shixnado ganacsi wada sida shidaal, Saliid, raashin, baabuur gaareysa 19 gaaraya iyo sidoo kale shixnado kale oo ganacsi, ganacsato aan magaalada kula kulmay ay ii sheegeen in doomo kale ay jidka ku soo jiraan oo ay nagu soo fool leeyihiin” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Hobyo.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in magaalada ay ku sugan yihiin ganacsato ka yimid dalka dibaddiisa sida Imaaraadka kuwaasoo daneynaya inay maalgashi ku sameystaan Hobyo.

Ganacsatada ayuu ugu baaqay inay shixnadahooda ganacsi kala soo degi karaan dekadda magaalada Hobyo oo aynaan jirin wax shuruud ah oo lagu xirayo.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Hobyo ayaa sheegay in dhowaan degmadaasi ay ka hirgelin doonaan kaalin shidaal.

Goobjoog News