U bood dhigaalka

Doomo La Gaarsiiyey Kalluumeysatada Degmada Hobyo

Sheeko:Amniga

Hey’adda Qaramada Midoobay u xil saaran Cunnada iyo Beeraha  ee (FAO), ayaa laba doon kalluumeysi oo casri ah waxa ay ugu deeqday qaar kamid ah kalluumeysatada degmada Hobyo ee gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Mashruuca ka hortagga Burcad-badeednimada ee bulshooyinka xeebaha (CCAP) ayaa fuliyay tababar shan maalin qaatay oo ay u sameeyeen kalluumeystada Hobyo ka hor inta aan doomaha lagu wareejin, kaasoo ay ku bareen bed-qabka kalluumeystada xilliyada ay kalluumeysanayaan iyo wadidda doomaha casriga ah.

Wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug iyo maamulka degmada Hobyo oo ka mahadceliyay tababarka iyo deeqda doomaha ah ee qaybta ka qaadanaya shaqo abuurka, kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta burcad-badeednimada, ayaa dalbaday in la sii wado kaalmeynta iyo tababarrada kalluumeystada iyo Iskaashatooyinka, si loogu guuleysto hadafyada waa weyn ee la hiigsanayo.

Bulshada degmada Hobyo oo sidoo kale  soo dhaweeyay kaalmada doomaha ah iyo tababarkii ka horreeyay, ayaa codsaday in la joogteeyo dhirrigelinta bulshada si ay uga faa’iideystaan kheyraadka badda kujira.

Horay ayaa FAO waxay tabarrucaad sidaan oo kale ah iyo tababarro ugu sameysay kalluumeysatada degmada Hobyo iyo deegaanno kale, kuwaas oo ay ka faa’iideysteen qoysas badan oo Soomaaliyeed oo nololshooda iyo nolosha deegaannadooda wax badan ka bedelay.

Goobjoog News