U bood dhigaalka

Doon Siddey Shixnado Ganacsi Oo Ku Degtay Xeebta Boosaaso

Sheeko:Dalka

Doon la sheegay iney waddey shixnado ganacsi ah ayaa ku degtay xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Doonidan ayaa kasoo shareecatay dalka Oman, waxaana saarnaa 12 shaqaale ah, hase ahaatee cillad degdeg ah oo soo wajahday ayaa sababtay iney degto.

Kooxaha gurmadka ayaa ku guuleystay iney soo badbaadiyeen 9 ruux oo Labo kamid ah yihiin Soomaaali, halka 7-kalena u dhasheen India.

Waxaa socda dadaal kale oo lagu baadigoobayo Saddexda ruux kale ee doonida saarnaa, iyadoo badmaaxiyiintu sheegeen in doonidan ay ku kacday dabayl.

Doonidan waxay u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed, weli lama oga inta uu la egyahay khasaaraha hantiyeed ee halkaasi ka dhashay.

Goobjoog News