U bood dhigaalka

Doon Sidday Hub Badan Oo Gacanta Lagu Dhigay Xilli Ay Kusoo Wajahnayd Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Australia ayaa gacanta waxa uu ku dhigay jimcihii aynu kasoo gudubnay dooni sidday hub tiro badan, kaasi oo kusoo wajahnaa Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Hmas Darwin ayaa wuxuu doonidani ku qabtay meel 300-km u jirta biyaha Soomaaliya iyadoo wadday hub u badan kuwa ay qaataan ciidanka ka dagaallama dhulka.

Hubkaan ayaa isugu jira, Ak-47 oo tiradiisu lagu sheegay 1989 qori, Baasuuke oo tiradiisu lagu sheegay 100, Dabajeex qoriga ay Soomaalida u taqaan oo tiradiisu lagu sheegay 49, Fuustooyin shidaal oo tiradooda la shaacin iyo dhowr doomood oo kuwa badbaadada ah iyo rasaas badan.

Taliye u hadlay markabkaas oo lagu magacaabo Devid Johnston ayaa tilmaamay in doonidaan ay kusoo qabteen howlgalkii ugu horeeyay uu qaaday Markabkaan muddo kadib.

“Sababaha ugu weyn ee  Hmas Darwin loo keenay gobolkaan ayaa ahayd inuu kaalin nug leh ka qaato nabadeynta caalamka iyo la dagaallanka argagaxisada caalamiga ah” ayuu yiri Devid Johnston.

“Guushaan la gaaray iyo gacanta lagu dhigay doonta waxay caddeenaysaaa feejignaanta aan ku joogno gobolkaan” Devid Johnston ayaa hadalkiisa intaa ku daray.

23-ka bishii lasoo dhaafay ayeey ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay ka mid tahay caqabadaha haysta dowladda Federaalka ee ku aadan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog News