U bood dhigaalka

Doon u Rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed Oo Ku Degtay Badda u Dhaxeysa Yemen Iyo Cumaan

Sheeko:Dalka

Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa inay ku degtay badda u dhaxeysa Yemen iyo Cumaan, iyadoo loo maleynayo in sababta ay u degtay tahay dabaylo ku dhuftay doonidaan.

Wasiirka wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda ee Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News jiritaanka doonidaan degtay.

Waxa uu tilmaamay in doonidaan tankeedu ahaa 1050, waxaana saarnaa 16 shaqaale ah oo la tilmaamay in 15 la badbaadiyay halka midka kale loo maleynayo inuu dhintay ka dib markii la waayay.

Wasiirka ayaa sheegay in Doontaan lagu magacaabayay Al-kebri, lagana lahaa dalka India, ayna ganacsatada gobalka Bari u waday shixnado u badan Bagaash, waxaana ay ka timid Dubai, iyada oo kusoo wajahneyd magaalada Boosaaso.

“Walaalow doonidaan waxaa la yiraahdaa Al-kebri, Dubai ayeey Ganacsato reer Puntland ah wax uga soo qaaday, waxya ku degtay meel u dhaxeysa Yemen iyo Cadan 16 shaqaale India u dhashay baa saarnaa mid baa la waayay, balse 15-ka kale waa la badbaadiyay” ayuu yiri wasiirka.

Weli ganacsatada ay u rarneyd doonidaan degtay kama aysan hadli khasaaraha hantiyeed ee soo gaaray, mana ahan markii ugu horeysay oo dooni sidaan oo kale ah degto.

Goobjoog News