U bood dhigaalka

Doon u Rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed Oo Ku Degtay Xeebaha Cumaan

Sheeko:Dalka

Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed islamarkaana la sheegay inay kusoo wajahneyd degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa ku degtay Xeebaha dalka Cumaan.

C/fitaax Xuseen Sheekh oo kamid ah ganacsatada doonidan u rarneyd ayaa u sheegay Goobjoog News, in la badbaadiyey dadkii saarnaa doonidan, balse dhammaan hantidii saarneyd ay quustay.

Waxa uu sheegay in sababta doonidan ay u degtay ay ahayd kadib markii roob xooggan oo dabeylo watay uu doonidan dhuftay, waxaana dadkii saarnaa badbaadiyey diyaarad Helicopter ah oo la socotey markab halkaasi ka dhawaa.

Ganacsadahan ayaa sidoo  kale inoo sheegay in doonidan waxyaabaha ay wadday ay u badnaayeen gaadiid, waxaana khasaaraha hanta ee halkaasi ka dhashay uu ku sheegay iney gaareyso 2 Milyan oo doolar.

“Aniga waxaan kamid ahaa ganacsatadii u rarneyd doonidan, waxaa saarnaa alaab u badan gaadiid, xalay ayaa si lama filaan ah waxaa ku dhuftay roob xooggan oo dabeylo watay, mowjado ayaana ku kacay” ayuu yiri C/fitaax.

Sidan oo kale marar badan ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku hanti beelay kadib markii doonyo ay alaabo kala duwan u saarnaayeen markii ay ku degtay badweynta Hindiya.

Goobjoog News