U bood dhigaalka

Dooni Lagu Afduubtay Xeebaha Degmada Eyl Ee Nugaal

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo xeeebaha gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in uu ka dhacay afduub loo geystay dooni marysay dhanka degmada Eyl.

Doonida oo la sheegay inay tahay mid kalluumeysi oo Yemen laga leeyahay ayaa koox loo malaynayo burcad badeed ay ka qafaasheen xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ka soo xigatay Agaasimaha ciidanka badda maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xasan in afduubkaasi ay geysateen koox burcad ah oo hubeysan.

Ilo wareedyo muhiim ah oo Puntland ka tirsan ayaa laga soo xigtay in doonida ay saarnaayeen 10 shaqaale kuwaas oo burcad badeeddu ay ka dejisay doonta.

Waa afduubkii Labaad oo bishan gudaheeda ka dhaca biyaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha dhulka Puntland, waxaana kii hore loo geystay markab ganacsi oo siday shidaal.

Goobjoog News