U bood dhigaalka

Doorashada 12 Kursi Oo Saaka Ka Socota Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo Talaada ah ka bilaawday doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay Somaliland.

Kuraasta maanta la dooranaya ayaa gaaraya 12 kursi oo tirsigoodu uu kala yahay  HOP#260, HOP#25, HOP#215, HOP#267, HOP#268, HOP#269, HOP#245, HOP#247, HOP#209, HOP#211, HOP#201, HOP#214.

Waxaa Hadda Ku Fadhiyo Kuraastaan Maanta La Dooranayo Xildibaanada Kala Ah:-

Waxaa hadda afarti sano ee la soo dhaafay galmudug kuraastaan ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

HOP#260: Faadumo Odowaa Raage ayaa ku Gobollada Waqooyi ku metashay Golaha Shacabka.

HOP#257: Cabdalla Xaaji Cali Axmed ayaa ku fadhiya Baarlamaanka 10aad.

HOP#215: Faatix Saciid Xasan ayaa Somaliland ku metalay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya.

HOP#267: Saynab Maxamed Caamir ayaa kursigaan ku fadhisa tan iyo sanadkii 2000.

HOP#268: Maxamed Cali Xagaa ayaa ku fadhiya kursigaan.

HOP#269: Waxaa Gobollada Waqooyi ku metalay Maxamed Cabdullaahi Kaamil.

HOP#245: Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa ku fadhiya Kursigaan.

HOP#247: Khadra Maxamed Tukaale ayaa kursigaan ku metashay Somaliland.

HOP#209: Axmed Dhimbil Rooble Casoowe ayaa ku fadhiya.

HOP#211: Caasho Koos Maxamuud Cumar.

HOP#201: Waxaa ku fadhiya Wasiirkii Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

HOP#214: Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ku metalay Somaliland Golaha Shacabka BFS.

Jadwalka Kuraasta ayaa horay waxaa u shaaciyay guddiga 21 bishaan